New York (INO)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New Yorka ee Dalka Mareykanka waxuu ku saxiixay Heshiiska Cimilada Aduunk a oo loogu yeero heshiiska Paris.
Saxiixa Heshiiska oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York ayaa ujeedadiisu tahay in la yareeyo wasakhaynta hawada oo loo aaneeynayo in ay keentay cimilada sii kululaanaysa ee adduunka.
Dalal gaaraya 170 ayaa la filayay in ay saxiixaan Heeshiiskaasi Cusub oo looga gol leeyahay in lagula dagaalamo isbadalka cimilada adduunka.
Si heshiiiskan uu u dhaqangalo wuxuu u baahanyahay 55 oo marka la isku daro dhaliya ugu yaraan boqolkiiba konton iyo shan wasakhaynta hawada ah.
Ugu dambeyn, Shirka ugu weyn ee looga hadlayay Cimilada Aduunka ayaa markii ugu horeysay Sanaddii la soo dhaafay wxuu ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransa.
Idale News Online New York