Garowe(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland uga furey shirkii labaad ee madasha wadatashiga dwladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Somalia.
Shirkan ayaa ajandayaasha ugu weyn ee looga hadli doono waxaa ka mid ah Hiigsiga 2016-ka, cahdiga cusub, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada, qeybsiga kheyraadka, xal u helista dhibaatooyinka qaxootiga Somalia ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale.
Madasha wadatashiga ayaa sidoo kale waxay mas’uuliyiinta ka qayb-galaya ku gorfeyn doonaan arrimo kale oo la xiriira dib u dhiska Soomaaliyada cusub, xilliyadii adkaa ee lasoo maray kaddib.
Ugu dambeyn, shirka labaad ee madasha wadatashiga wuxuu daba-joogaa shirkii koowaad ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan, kaddib markii madaxweyne Xasan uu marti-qaaday madaxda maamullada si looga wadatashto aayaha Somalia.
Idale News Online, Garowe