Muqdisho(INO)-Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka socota xaflad si weyn loo soo qaban qaabiyay oo lagu xusaayo Munaasabada aas-aaska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale.
Sanadkii 1960 ayeey aheyd markii la aas-aasay ciidamada Xooga dalka Soomaaliya waxaana kasoo wareegatay 55-sano oo maanta oo kale 12-ka Apriil ku beegan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalaya xaflada hada ka socota Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee ku taalo Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale madasha Xaflada waxaa ku sugan, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiro kale oo Xukuumadda ka tirsan, taliyeyaasha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi ka socota khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka qaybgalaysa Xaflada ka socota Xarunta Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Caasimada Muqdisho oo maanta ma jiro dhaq-dhaqaaq gaadiid oo Magaalada ka jira marka laga reebo Degmooyin yar.
Meel waliba oo ka tirsan wadooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa taag-taagan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka wata, waxaana wadooyinka maraayo kaliya gaadiidka Amisom iyo gaadiidka ciidamada Dowladda.
Idale News Online, Muqdisho.