Madaxweynaha soomaaliya oo ka qaybgalaya shir caalami ah.

0
177

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Sida ay baahisay warbaahinta dowlada ee Radio Muqdisho, waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ka qaybgali doona Shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaasha 80 dal oo Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ka kala socda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira hoggaamiye yaasha Afrika ee lagu casuumay shirka oo looga arrinsanayo colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.

Shir gaar ah oo 15 hoggaamiye oo Afrikaan ah ay ka qeybgalayaan oo kulanka barbar socda ayaa lagu wadaa in looga wada-hadlo xaaladda dalka Central African Republic.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gooni-gooni la qaato madaxda ka qeybgaleysa kulanka.

Xasan Sheekh Maxamuud

Idale News Online.