Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Darbiga ay Dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya

0
395

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay darbiga ay Dowlada Kenya sheegtay in ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Darbiga ay Dowlada Kenya ka dhiseyso xadka labada wadan in aysan u muuqan mid baajinaya Weerarada Al-Shabaab ka geestaan gudaha Dalkaasi, waxa uuna rajo xumo ka muujiyay in darbigaasi Kenya ay difaac ka heleyso.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale beeniyay hadallo ka soo yeeray qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha bulshada ee Waqooyi-Bari Kenya oo ay ku sheegeen in xeryahah qaxootiga laga soo abaabulo weerarada ka dhaca Gudaha Kenya, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya xeryahah qaxootiga iyo argagixisida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale canbaareeyay Weerarkii AL-Shabaab ku qaadeen Jaamacada Gaarisa ay ku dileen 148-qof , waxa uuna tilmaamay Madaxweynaha in ujeedka al-Shabaab u yahay inay kala qeybiyaan muslimiinta iyo masiixiyiinta, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dowladiisa ay soo dhaweeneyso Dagaalyahanada katirsan AL-Shabaab ee kasoo baxa kooxdaasi,waxa uuna intaa raaciyay in ciddii al-Shabab ka tirsan ee doonaysa inay diidaan fikirka al-Shabaab ay dowladdiisu soo dhaweynaso, balse kuwa wata fikirka “Takriifiga” aysan la hadli dooni.

Hadalka Madaxwweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Xili Dowlada Kenya ay wado qorshe ay darbi uga dhieyso xadka ay Soomaaliya la wadaagto , waxa ayna Dowlada Kenya sheegtay in darbigaasi uu wax ka tarayo in Al-Shabaab kasoo gudbaan Xadka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here