Muqdisho(INO)–Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha Jamhuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisa, weerarkii argagixiso ee maanta lagu laayey ardey iyo ad kale oo aan waxba galabsan, jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya.
‘’Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaan tacsi u diraya , murugadana la qeybsanayaa qoysaska iyo eheladdii dadkii sida arxandarrada ay u laayeen argagixisada shar- wadeyaasha ah. Waxan dadka dhaawacmey u rajeynayaa caafimaad buuxa oo degdeg ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, kuna tilmaamey mid waxashnimo ah oo aan diin iyo dhaqan wax lug ah ku lahayn.
Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in weerarkan muujinayo sida loogu baahan yahay in la sii dardar-geliyo iskaashiga labada dal ee dagaalka lagu burburinayo kooxaha argagixisada oo gobolka iyo caalamkaba khatar ku ah.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u garab taagan yihiin walaallahooda reer Kenya, xilligan adag ee ay ku jiraan.
-DHAMMAAD-
Idale News Online, Muqdisho