Madaxweynaha Soomaaliya oo 14ka Bishaan ku wajahan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka

0
338

Muqdisho (INO) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi kooban oo la socda oo dhanka Protocolka ah ayaa maalinta Arbacada ee bishaan April ay tahay 14ka la filaayaa inuu safar ku yimaado magaalada Washington ee dalka Mareykanka halkaas uu kaga qeyb-gali doono shir caalami oo looga hadli doono arrimaha dhaqaalaha.

madaxweynaha-safar

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka soo hormari doonaa oo 13ka bishaan in ay Washington soo gaaraan la filaayaa wasiirka Maaliyada Somalida Maxamed Aadan Fargeeto iyo Gudoomiyaha Guddiga Maaliyada ee Barlamaanka Samaan  Maxamed Daahir “Samaan Madeey” iyo howlwadeeno ka tirsan wasaarada Maaliyada iyo guddiga Maaliyada Barlamaanka.

Madaxweynaha ayaa inta uusan u duulin dalka Mareykanka waxuu ku soo hakan doonaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uu kulamo gaar ah kula leeyahay madaxda ugu sareysa ee dalka Itoobiya iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Safarka Madaxweyne Xasan ayaa qaadan doono muddo 3 cisho ah ka dibna waxuu dib ugu laaban doonaa magaalada Muqdisho oo kulamo lagu sii ambaqaadaayo guddiyada doorashooyinka kula leeyahay madaxda maamul goboleedyada.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia