Washington ( INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Machadka Arrimaha Amniga iyo Nabada ee Dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay afjari doonaan howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay wax badan joogaan Dalka Soomaaliya, isagoona taasi u sabababeeyay in Soomaaliya ay tahay Dal hadda soo koraya loona baahan yahay in la gacan qabto.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxuu bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in ay dhaqaalo ku bixiso tayeenta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Idale News Online, Washington