Madaxweynaha Somaliya oo xil ka qaadis ku sameeyay General Qaafow

0
299

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xil ka qaadis rasmi ah ku sameeyay Taliyihii qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xooga General Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow).

Madaxweynaha, ayaa xilkaasi u magacaabay General Maxamed Maxamuud Saney, oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Digreeto laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa si rasmi ah loogu soo magacaabay General Maxamed Maxamuud Saney.

Qaafow iyo Saney, ayaa ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sanay waxa uu si weyn kaga soo muuqday la dagaalanka lagula jiro Ururka Al Shabaab, xilligii Dowladda Shariif Sheekh Axmed.

Saney

Taliyaha qaybta 12-ka April, ayaa macno ahaan wuxuu ka dhigan yahay Sarkaalka saddexaad ee ugu sareeya Ciidanka Dowladda, marka laga soo taggo Taliyaha iyo Abaan Duuliyaha Ciidanka Xooga.

Muddooyinkan dambe, ayaa waxay Madaxtooyadu waday is bedelo ay ku sameyneyso Saraakiisha Ciidamada Dowladda, iyadoo la fillaayo in xilliyada soo socdo ay sii socoto xil ka qaadista Saraakiisha Ciidamada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here