Baydhabo(INO)- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Madaxtooyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku sii jeedaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo ku dhaw Xafiiska Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhacdo.com u sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta tagaayo Magaalada Baydhabo, halkaasi oo kulamo uu kula soo qaadan doono madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.
Inkastoo aanan si cad loo ogeyn ujeedada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliya uu u tagaayo Magaalada Baydhabo, ayaa hadana wararka qaar ee soo baxaya waxa ay sheegayaan Safarka Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagaayo Baydhabo inay la xiriirto arimo ku aadan Doorashooyinka.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka mar kale, ayaa loolan adag ugu jira helida Xubnaha Baarlamaanka ka soo galaayo Dowlad Goboledyada dalka ka jira si codkooda hadhoow uu ugu tashto.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah shaqsi siyaasi ah, ayaa galaangal xoogan wuxuu ku leeyahay Xubnaha doonaya inay ku biiraan Baarlamaanka cusub ee dalka, si Shariif Xasan musharaxiinta uu gor gortan ugula galo codadka Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka imaanaya.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee Magaaladaasi, halkaasi oo ciidamada Amisom iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Madaxtinimada Somaliya.