Madaxweynaha Somaliland Oo Isbedal Ku Sameeyay Wasiirada Maamulkaasiisa

0
198

Hargeysa(INO)Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii Lixaad tan iyo intii maamulkiisa talada hayay waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Waxa uu xilalka ka qaaday wasiiro, agaasimayaal iyo gudoomiyaha Bankiga dhexe ee maamulka Somaliland isaga oo xilal u dhiibay mas’uuliyiin cusub.

Bishii February ee aynu kasoo gudubnay ayuu isku shaandheyn ku sameeyay wasiirada maamulkaasi, xilli waqtiga maamulkiisa u haray uu gaba gabo yahay.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada uu soo saaray Siilaanyo.

Madaxweynuhu:-   Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland:

Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka

Markuu Arkay:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaraddaha Warshadaha, Waxbarashada, Beeraha, iyo Wasiiru-dawlayaasha Wasaaraddaha Macdanta iyo Tamarta, iyo Biyahaee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1-   In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha

2-   In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3-   In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland

4-   In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland

5-   In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

6-   In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

7-   In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

8-   In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa

9-   In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

Ku:     Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL

Ku:     Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL

Ku:     Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka

Mudaneyaa waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadkaee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalkaasi aad hayseen Masuuliyiinta kor ku xusan ee aan xilalkaa iyaga ah u magacaabay.

Dhamaad

Idale  News Online, Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here