Afgooye(INO) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqanaya Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna isagoo xiran direyska ciidanka millateriga Somalia lagu yaqaan uu maray dhulka, xilli ay dhowrkii maalmihii ee lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen deegaanno gobolkaas ka tirsan colaado.
Xasan Sheekh ayaa waxaa Safarkiisaan ku Wehliya Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidamada Soomalia qaarkood, waxaana lagu sifeeyay safarkiisa mid uu ugu kuur-galayo xaaladaha amni ee Gobolka.
Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulammo gaar-gaar ah la qaato saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena booqan doona saldhigyada ciidamada ee gobolkaas ku yaalla.
Waxaa kaloo lagu wadaa in Madaxweynuhu uu booqdo Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ay Toddobaadkii lasoo dhaafay Al-shabaab laba jeer kala wareegeen ciidamada DF Somalia ee ku sugnaa Deegaannadaas.
Halkan Ka Dhageyso.
Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay in deegaannada qaarkood uu ugu tagay qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo xiran dharka Millateriga Somalia lagu yaqaanno, waana markii ugu Horreysay oo Madaxweynaha Somalia oo Xiran Direyska Ciidamada uu booqdo Gobolka Shabeellada Hoose.
Dhanka kale, madaxwenaha Soomaaliyai ayaa horay u booqday gobolka markii xoogag ka tirsan Al-shabaab laga saaray degmada Baraawe oo gobolkaas ka tirsan sannadkii 2014-kii, degmadaasoo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolkaas.
Idale News Online, Afgooye