Daawo:Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe

0
237

Garowe(INO) — Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Somalia ayaa maanta duhurkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenkiisa, wasiirro, xildhibaano iyo inta badan dadweynaha magaalada Garowe ayaa madaxweynaha  Somalia ku soo dhaweeyay  Garowe.

Waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud uu mid mid u gacan qaaday dhamaan mas’uuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka, waxaana ciidamo badan lagu daadiyay magaalada ka hor imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe ay ka qayb-galaan shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka oo wajigiisi koowaad horey loogu soo qabtay magaalada Muqdisho, waxaana safarkan mid lamid ah Garowe ku imaaan doona madax ka socoto maamul-goboleed-yada Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia iyo kan Puntland ayaa iminka madaxtooyada ku leh kulan ay saxaafaddu dibad joog ka tahay,kaasi oo aan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha looga hadlayo ,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in kulanka labada dhinac diiradda lagu saarayo arimo la xiriira xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arimaha Federaalka iyo xoojinta xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, safarka uu madaxweynaha Soomaaliya uu ku soo gaaray Puntland ayaan ahayn kii ugu horeeyay ,waxaana lagu wadaa in natiijooyin laga soo saaro kulamada lagu qaban doono Garowe inta ay joogaan wafdigan.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here