Khilaaf salka ku haayo isku shaandheynta Golaha wasiirada, ayaa lagu soo waramayaa inuu soo kala dhex galay M/weyne Xasan iyo Sh. iyo R/wasaare Cabdi Wali.
M/weyne Xasan Shiikh, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka biyo diiday soojeedin uu R/wasaaraha soo jeediyay, ineey xilalkooda waayaan 6 wasiir oo qaar kamid ah M/weynaha si aad ah isugu dhowyihiin.
Inkastoo wararkan ay yihiin kuwo horu dhac ah ayaa hadana durba waxaa la dareemayaa is mariwaagan ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah kii u horeeyay ee si dhab ah u dhex maro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan laga yaabo inay soo fara geliso beesha Caalamka, si xal loogu helo.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu is casilay Wasiirkii Amniga C/kariin Xuseen Guuleed waxaa soo baxayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada.
Khilaafka soo kala dhex gala R.wasaaraha iyo M/weynaha, maahan wax hada ku cusub siyaasada Soomaaliya, waxaana badana soo faragaliya Dowldaha daneeya siyaasada Somalia.
Idale News Online, Muqdisho.