Madaxweynaha oo sheegay in baaritaan lagu sameeynayo weerarkii Kismaayo

0
183

Muqdisho (INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaadey xarun ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso.

‘’Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii maanta lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku saabsan sida weerarkan u dhacay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladda ay xoogga saari doonto adkeynta xeryaha lagu tababarayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xerada weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ka socdey tababar qeyb ka ah barnaamijka heerka qaranka ee isku dhafka ciidammada Xooga dalka.

Waxaa la is weydiinayaa sida gaariga qaraxa ka fuliyay xarunta ciidamada, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan in ruuxa weerarka fuliyay uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka maamulka Jubba.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here