Madaxweynaha oo ku baaqay in la isku kaashado la dagaallanka argag-gixisada

0
244

Cadaado(INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku bogaadiyay ciidamada amniga Somalia iyo kuwa AMISOM inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Xasan Sheekh wuxuu ku tilmaamay weerarkii ay Xarakada Al-shabaab shalay ku qaaday dhismaha wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare uu astaan u yahay sida ay kooxdan u marin-habowsan tahay.

Madaxweynaha oo ku sugan Cadaado wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabooyinka kooxdan marin-habowsan; isla markaana ay iska kaashadaan, dowladda ay gacan ka siiyaan si Somalia uga gudubto weerarrada lagu gumaadayo shacabka loogana hor-istaagayo horumarka.

Weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 17-qof oo isugu jiray shaqaalaha wasaaradda, askar, xoogaggii weeraray dhismaha wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare iyo dad shacab ah.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furo shirka maamulka gobollada dhexe lagu dhisayo maanta, kaasoo muddo ay qabanqaabadiisu socotay, iyadoo ay maamulka dhismahaas ay goobjoog ka ahaanayaan madaxda maamullada gobollada dhexe ka jira.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here