Muqdisho(INO)— Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaaray xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo uu shir uga socdo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Xildhibaanada ay kaga doodayaan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka ee uu bishii hore u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay cod u qaadaan heshiiskan, iyadoo Madaxda dowladda ay ku cadaadinayaan in kama dambeys ay heshiiskan ansixiyaan.
Sharciga doorashooyinka ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Guddi ka kooban 25 xildhibaan oo Baarlamaanka u saaray dib u eegista go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka doorashada u dhaceyso sanadkan, iyadoo Guddigan wax ka bedel ku sameeyeen qodobada qaar.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada ayaa ka codsaday inay ansixiyaan qaabka doorashada lagu geli doono, si looga baxo jahwareerka uu dalka ku jiro.
“Hadii aan tashan weyno waa naloo talin, waxaa idinka codsanaa inaad ansixiyaan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka, si dalka uga baxo jahwareerka uu ku jiro, waqtiga yar ee harayna aanu lumin”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan dadka reer Gobolka Banaadir ee ku aadan Aqalka sare ee Baarlamaanka, isagoo xusay in taasi ay daruufo keentay, isla markaana dhinacyada tabashada qaba ay la fariisan doonaan.
Khudbada Madaxweyanaha oo aheyd mid ka duwan kuwiisii hore ayaa sheegay in hadii go’aan rasmi ah la gaari waayo ay noqon doonto in go’aan cad loo gaaro, isagoo xusay in loo baahan yahay in Baarlamaanka uu qaato go’aan masiiri ah
Dhinaca kale intii uu shirka u socday Baarlamaanka ayaa waxaa xarunta Golaha shacabka ku hor banaan baxay boqolaal dadweyne oo ay hogaaminayeen Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in xaqa Gobolka Banaadir la siiyo, lagana qeyb geliyo aqalka sare.
Wixii warar ee ku soo kordha kulanka Baarlamaanka kala soco wararkeen dambe
Idale News Online, Muqdisho