Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Taliyaha Booliska Dalka

0
192

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Taliyahii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Jen. Maxmad Sheekh Xasan Ismaaciil. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta, Ciidamadda Boliiska iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeytii, Madaxweynaha oo ku sugan wadanka Isugtaga Imiraatka Carabta ayaa yiri “Waxaan Taliyihii hore ee Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed ugu duceeynayaa in Illaaheey uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.”

———-Dhamaad———

Xasan Sheekh Maxamuud

Idale News Online, Dubia