Madaxweynaha oo ka hadley qaraxii dhibaatada badan geystey ee Bar Village

0
230

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacbiga Soomaaliyeed geerida ku timid dadkii shacabka ahaa iyo wariyeyaashii oo iyaga oo aan waxba galabsan ay maqribnimadii caawa Maleeshiyada Al-Shabaab ku qarxiyeen maqaayad lagu shaaho oo ku taala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa shacabka kala hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn yiri “waa arin aad iyo aad dembi u ah oo ilaah agtiisa dambi ka ah, shacabka Soomaaliyeed xagoodana dambi ka ah waa fal fool xun oo shacabka Soomaaliyeed lagu dabarjarayo,waan uga tacsiyeynayaa shacabka guud ahaanba dadkii halkaasi ku geeriyooday kuwa dhaawacmayna Alle ha caafiyo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto ammaanka Dalka waxaana uu kooxaha falkaasi geystay ku sifeeyey iney yihiin kooxo aan wax rajo ah kalaheyn aduun iyo aakhiraba islamarkaana la qaadi doono talaabo kasta oo amniga lagu xaqiijinayo.

“kooxahan waxaan u sheegayaa Ineysan umadaan baabi’in Karin kana leexin Karin hadafka dowladnimo ,dad soomaaliyeed oo aan dambi gelin ayaa la daliyaa hadafka umadaan isbedeli maayo, umadaan nabad way rabtaa,dowladnimana waa rabtaa kooxaha falkaan geysanayana waa kooxo aan wax rajo ah laheyn oo aduun iyo aakhiraba ka quustay”ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed u diray fariintan “dadka Soomaaliyeed ee qiimaha iyo sharafta leh waxaan leeyahay waxyaabahan dhacaya waxaa sabab u ah dowlad la’aanta dadka falalkaan geysanayana waxaa ka harsan jiritaankooda maalmo yar falalkanna waa rafashadoodii ugu dambeysay,qasaaraha iyo shalaayguna ayaga ayuu ku dambeynayaa shacabkuna waa iney u midoobaan