Madaxweynaha oo dalka ku soo noqday, kadib baaritaankii caafimaad ee Jarmalka

0
293

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu dalka Jarmalka u tagay baaris dhanka caafimaadkiisa ku saabsan.

Xasanow
Xasan Sheekh ayaa isaga oo Jarmalka jooga horay u sheegay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay uusan sameynin hubin dhanka caafimaadka ah, sidaasina uu tagay dalkaasi.
Saaka ayuu Muqdisho ku soo noqday markii 5-cisho oo baaris iyo nasiino ah uu kusoo qaatay dalka Jarmalka.
Waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirada Xukuumadda qaar iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Intaasi kadib ayaa Madaxweynaha waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu gudda galay dagalkii Siyaasaded ee C/wali Sheekh uu meesha kaga saaray wuxuu dareemay daal badan oo dhanka maskaxda ah.

Idale News Online, Muqdisho.