Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Barqanimadii Maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay munaasabadda 40-guuradii ka soo wareegtay Aas aaska ururkii Xornimo doonka Dalka Ethiopia.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kummanaan shacabka reer Ethiopia ah khudbad ugu jeediyey garoonka ciyaaraha ee magaalada Mekelle, halkaas oo ay ka dhacdey munaasabad balaaran oo lagu xusayey 40 guuradii ka soo wareegtey markii la aasaasey ururka TPLF oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Ethiopia waxaa uu kulamo kale duwan uu la soo qaatay madax ka tirsan beesha caalamka oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira guud ahaan Xaaladda Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Ethiopia waxa uu la kulmay Ra’isal Wasaaraha Dalkaasi oo uu kala hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaasi.
Idale News Online, Muqdisho.