Kannu: Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya Goodluck Jonathan, ayaa ka yaabiyay caalamka iyo martidii ka soo qayb gashay arooska wiil uu dhalay oo ka dhacay caasimadda dalkaas sida ay ku warantay jariirada Daily Mirror ka dib markii ka soo qayb galayaashii mid mid hadiyad uu u siiyay telefoonka gacanta dunida ugu danbeeyay ee iPhone oo galkiisu dahabi yahay.
Sida Daily Mirror sawirada ku baahisay, Telefoonada loo qaybiyay marti sharafka arooska wiilka uu dhalay Madaxweynaha Nayjeeriya, ayaa ahaa kuwo si gaar ah loogu soo farsameeyay oo shirkada toos looga dalbaday, taas oo qiimo ahaan ka badan kuwa caadiga ah ee suuqyada shirkada Apple ku soo dayso sanad kasta.
Telefoonadan oo ku jiray, galal u gaar ah, oo dusha sare uu kaga sawiran yahay wiilkaa madaxweyne Goodluck Jonathan dhalay iyo marwadiisa uu guursaday laga qaaday ka hor intaanu aroosku dhicin, Sidoo kale waxa mid walba dushiisa sare lagu soo daabacay, qoraal uu ku saxeexan yahay Madaxweynuhu oo loogu mahad naqayo marti sharaftaas, sida ixtiraamku ku jiro ee ay uga soo jawaabeen una soo ajiibeen marti qaadkii loo fidiyay in xaflada arooskaas ay kaga soo qayb galaan.