NY(INO)- Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Peña Nieto ayaa baajiyay kulan uu maalinta Talaadada ah uu la qaadan lahaa madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump kaas oo uu booqasho ugu tegi lahaa.
Mr. Enrique Peña Nieto ayaa baajintiisan kulanka waxa ay salka ku haysaa darbi la sheegay in laga dhisayo xadka Mareykanku la wadaago dalka Mexico kaas oo uu madaxweyne Trumo saxiixay maalinimadii shalay.
Waxa uu madaxweynaha Mexico cabnaareeyay dhisidda derbigan oo uu ku sheegay mid lagu kala qeybinayo labada dad ee walaalaha ah ee ku kala nool Mareykanka iyo Mexico.
” – Aad ayaan uga xumahay in iminka derbi la kala dhex dhigo umad walaalo ah, halka la isu soo dhaweyn lahaa”, ayuu yiri madaxweyne Enrique Peña Nieto.
Idale News Online, NY