Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Maanta La Caleema Saarayo

0
237

Cadaado(INO)-Madaxaweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wadaa in lagu caleema saaro degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

guuleed

Qaban qaabada munaasabadda caleema saarka ayaa si aad ah looga dareemayaa guud ahaan degmadaasi, waxaana ammaanka uu yahay mid aad loo xaqiijiyay.

Abukar Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ay degmadaasi ku qulqulayaan mas’uuliyiin dhowr ah, lana sugayo kuwo kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxdii halkaasi gaartay uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr iyo madax kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here