Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi Wasiiro Dowladiisa oo muddooyinkan dambe safar shaqo ku kala bixiyay dalka Ethiopia,Kenya iyo magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Mas’uuliyiintii wafdiga Madaxweyanaha ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur galbeed, maamulka gobolka Bay,saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaaladaasi.
Qaar kamid ah Haweenkii soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goobta ku soo bandhigay ciyaaro dhaqameed lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa ugu mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen,waxaana uu sheegay in safarkii uu magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu ku tagay uu ahaa mid laga gaaray u jeedadii laga halaa.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaa ku daray in Madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay kala hadleen sidii iskaashi Xoogan uu u dhex mari lahaa Dowladda Koonfur Galbeed, wuxu kale cambaareyeye Weerarrkii lagu laayey tiro ka mid ah ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Sooamaaliya oo ka ka dhacey degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Fillo Goor Dhow Sawiro Iyo Codad
Idale News Online, Baydhabo