Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ku Howlan Inuu Gudoomiye Cusub U Magacaabo Gobolka Sh/Hoose

0
210

Afgooye(INO)_ Waxaa Maanta  degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose soo gaaray madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan, Socdaalka  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden oo aan horey loo sii shaacinin ayaa warar is khilaafsan ay ka soo baxaayaan ujeedada socdaalkiisa.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan  uu u yimid gobolka Shabellaha Hoose inuu gudoomiye cusub u magacaabo gobolka Shabellaha Hoose oo ku dhowaad 10 sano ahaa mid aan lahayn maamul shaqeeyo.

Maanta oo la joogo 2015-ka haddii shacabka Shabellaha hoose aysan iska hubinin oo aysan iska fiirinin shakhsiyadda qofka Mas’uul looga soo dhigaayo deegaanadooda waxay khatar ugu jiraan inay ku dhacdaan Bohol ay adagtahay inay markale ka soo baxaan.

Degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socoto isku qorid  cusub iyo jago kala iibsi ay sameynayaan dad oo aan u dhalanin degmooyinka gobolkani iyagookaashanayo odey dhaqameedyo iyo Sida La Sheegey Madaxweyne Shariif Xasan oo hadafkooda yahay in jeebka wax loogu rido oo kaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa muddo Billo ah laga joogo wuxuu maamul heer degmo ah usoo magacaabay degmooyinka Marka iyo Afgooye, waxaana maamulka degmooyinka lagu soo daray shakhsiyaad aan la aqoonin meel ay ka degaan gobolka Shabeelaha hoose.

Idale News Online, Xafiiska Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here