Addis(INO)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya booqashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku tagay todobaadkan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo sidoo kale soo maray Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay dhamaanba dhinacyadaas kala hadleen xogaha dhanka amaanka ah.
Wefdiga KG Soomaaliya oo kulan la qaatey Wasiirka Arimaha Dibada itoobiya Mr. Tedros, ayaa looga hadley arimo badan oo khuseeya KG Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta ee maamul Gobaleedkaas Ugaas Xasan Cabdi ayaa ku sifeeyey in ay codsigoodu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobalada maamulkaas, ayna dawladda Itoobiya qeyb wanaagsan uga qaadan lahayd.
Itoobiya ayaa balan qaad tababaro iyo dagaal ay ka gasho gobalka Bakool u ogolaatay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxa ayna mar kasta Itoobiya ka dagaalami doonta xadka udhaxeeya gobalka Bakool iyo dalkeeda.
Dhan kale Wefdiga maamulka koonfur galbeed soomaaliya oo booqanayo dalka kenya ayaa lafiyaa in ay kulumo la qaataan, madaxda dalka kenya, iyo Deeq bixiyaasha caalamiga ee ku sugan magaalada Nairobi.
Idale News Online, Addis Ababa.