Nairobi(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Nairobi Ee Xarunta Wadanka Kenaya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa Safarkiisa ku weheliya Wasiirro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan KGS kuwaas oo qeyb ka ah Safar Madaxweynaha ku tagay Wadanka Dalka.
Inta uu Jooga Magaalada Nairobi, waxa uu kulumo la qaadan Doono Madaxda Dalka Kenya iyo Qebaha Kala Gedisan Ee Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Wadankaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Lama oga waxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda Kenaya ay uga wada hadli doonaan Shirka ay ku yeelanayaan Magaalada Nairobi.
Safarka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden Ee Magaalada Nairobi ayaa ku soo aadaya xilli Shaley Magaalada Addis Ababa kula soo Kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya.
Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay si adag u taagyeersan tahay Qodobadii ka soo baxay Shirkii Wadashiga Qaran Ee Ka Dhacey Muqdhso, halka Maamulka Puntland uu diidan yahay Qodabdii Shirkaas Ka Soo Baxay.
Idale News Online
News Desk