Ceelberde(INO)- Sida aan ku helnay warbixinno Ay Heshay Warbaahinta Idale News Online Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyey ee uu ku doonayo in uu kusoo gaba gabeeyo culeyska kaga imaanaya qeybo ka mid ah Bakool.
Madaxweynaha ayaa ergo u diray Odayaaal iyo siyaasiyiin ku sugan Magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, kuwaas oo usii gogol xaaraya wadahadal uu la gali doono xubnaha halkaasi ku sugan oo ka gadoodsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ergada ayaa la sheegay in ay guda gashay howsha uu u wakiishay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxana Shariif iyo xubnaha Ceelbarde oo qadka Taleefanka ku wada hadlay ay isaga soo dhawaadeen mowqifyadii ay kala joogeen.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ballan qaaday in dhawaan uu ka degi doono Ceelbarde marka uu kasoo laabto safar uu ku tagi doono Muqdisho, marka uu soo dhamaado shirka Muqdisho ayaa Shariif waxa uu dhameystiri doonaa sidii uu isaga fududeyn lahaa Maamulka jahwareerka ku riday Maamulkisa.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka oo Maamul u sameeyey seddax degmo oo ku yaala Bakool ayaa jahawareeriyey Madaxweyne Shariif, iyadoo Maamulkaas uu culueyska kusii kordhiyey Shariif oo awal ay ku gadaamanayeen kooxo curyaamiyey howlaha Maamulkiisa.
Idale News Online, Xudur