Madaxweynaha Koofur-galbeed Soomaaliya oo Amar ku Bixiyay in la furo Waddooyinka Xiran

0
342

Baydhabo(INO)-Iyadoo uu isasoo tarayay walaaca ay waddooyinka xiran ka muujinayaan dadka ku dhaqan deegaannada hoos taga maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka hadlay masuuliyiinta ugu sareysa ee maamul goboleedkaas.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa amar buuxa ku siiyay ciidamada ammaanka in ay sahlaan isu socodka dadka iyo gaadiidka isla markaana si dhaqso ah u furaan dhammaan jidadka xiran.

Sidoo kale, Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ciidamada dalka ugu baaqay in ay xoogagga al-Shabaab ka saaraan deegaanada gobolka Koonfur Galbeed ee ay joogaan maadaama deegaanada qaar ay go’doon galiyeen.   Deegaanada ay go’doomiyeen kooxaha al-Shabaab Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Xudur iyo Diinsoor.

Idale News  Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here