Daawo:Madaxweynaha KGS Oo Maanta Booqdey Xarunta Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Ee Baydhabo

0
481

Baydhabo(INO)- Kormeerka Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta kormeer ku sameeyey Xarunta Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxaa  Komeerka ku wehelinayay taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan Dowlada dhaxe iyo kuwa Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SONY DSC

Madaxweynaha iyo Xubnaha kormeerka ku wehelinayay ayaa waxaa xarunta laanta socdaalka oo shaqo xiligaas ka socotey kuso wareeyey Agaasimaha laanta Socdaalka Cali Maxamed Cali (dhuux),waxaana kormeerka kadib ugu horeyn fafaahin ka bixiyey sida xarunta u howlgaleyso Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Ibraahin Yarrow oo Brlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Maxamed sheikh Xasan Xamud ayaa ka Hadley.

Madaxweynaha Dowlada konfur Galbeed shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in Dowladiisu ay ku guuleysatay in bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya halkii baasborada ay u aadi jireen Muqdisho hada Baydhabo Ka helayaan.

01020304050608

09

Wariye Siidii Cali Idale News Online, 

Somali News Desk, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here