Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe Oo Odayaal u Hanjabay

0
195

Kismaayo(INO)-Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa u hanjabay Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada Kismaayo, kuwaa oo shalay isaga baxay shirkii ka socday magaaladaasi.

Madoobe ayaa sheegay in marnaba aanay aqbali doonin in waqti in laga lumiyo, Odayaashana waxa meesha loo keenay ay tahay in ay fududeeyaan howsha baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba.

Waxa uu u sheegay in la’isla xisaabtami doono, islamarkaana aysan suurta gal ahaan doonin Oday sahal shirka uga baxo, shirkaanna uu yahay mid muhiim u ah shacabka Jubooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in laga gudbay xilligii Odayaasha ay shir ay ka istaagaan loo hakin jiray wax walbo, maantana la marayo in laga run sheego rabitaanka shacabka gobaladaasi degan.

Idale News Online.Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here