Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaarahiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma,arke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarki xalay lagu qaaday hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah soo gaaray xafiiska Jowhar.com ayaa waxa uu u qornaa sidan:
Muqdisho, 1 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii caawa ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dhirbaaxooyin kulul ku dhufteen argagixisada, iyagoo weliba ku guuleystey inay dilaan qaar ka mid ah horjoogeyaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka Soomaaliya iyo dalalka deriska.
“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in gu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda, taasina waa wax aan dhici karin’’.
Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixisada ay caawa ka fuliyeen caasimadda.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ilaahay uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhanka kale, Wasiirka koowaad ee xukumada Soomaalia Md. Cumar Cabdirashid ayaa isna qoraal uu kaga hadlay weerarka Hotel Ambassador u dhigay sidatan:
Muqdisho, June 1, 2016—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen xildhibaanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Xuseen (Kabaweyne) iyo xildhiibaan Prof. Maxamuud Maxamed Guure, waxa uuna alle uga rajeeyey inuu naxariistiisa janno siiyo.
“Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta la beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
“Weeraradan ma hakin doonaan horumarka iyo nabadda dalka, waxaana farayaa hay’addaha amnigu inay sii laban laabaan sugida amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixsada” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.
—DHAMAAD—
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com