Madaxweynaha Gambia Oo Maanta La Caleemo Saarayo

0
204

Gambia(INO) Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka  Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkaan mudada dheer  gacan bir ah uu  ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.