Madaxweynaha Gambaia Yahya Jammeh oo Go’aan Lama Filaan Ah Qaatay

0
205

Gambia(INO)- Muddo waxa taagnaa Xiisad ka dhalatay Doorashadii ka dhacday Dhawaan Dalkaasi oo looga guuleystay Madaxweyne Yahya Jammehisagana uu diiday inuu xilka ka dago.

Jammeh ayaa goor dambe ku dhawaaqay oo xalay aheyd inuu aqbalay Xilka inuu baneeyo taasi oo cadaadis la saaray lagu micneeyey inuu ogolaado.

Waxa Xilkaasi Shalay loo dhaariyey Madaxweynaha Cusub Ee Gambia Adama Barrow oo 1-dii December Doorashadii dhacday isaga ku guuleystay.

Hore Jammeh waxa looga hayaa inuu yiri weligeey intaan noolahay xilka waan sii heyn doonaa,Bilyans Sano waxaan sii joogayaa Xukunka,balse warkaasi waa soo gaba gaboobay.

Warsaxaafadeed laga baahiyey Telefishinka Qaranka ayuu Jammeh sheegay “Waxaa lagama maar maan ah in la istaajiyo Dhiig daadan lahaa,sidaas ayaana keligeey ubaxayaa oo xilka uwareejin doonaa,Jammeh ayaa sidaa yiri.