Cadaado(INO)— Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa muddo 15 cisho dheeraad ah siiyay Madaxweynaha Galmudug inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, kadib markii ay dhamaatay muddo 45 cisho ah oo looga fadhiyay inuu ku soo dhiso dowlad.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka Galmudug in muddo 15 cisho ugu daraan waqtiga uu ku soo magacaabi doono Wasiirada, iyadoo uu wado wada tashiyo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudyg Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka in mudo kordhin ay u sameeyaan waqtiga magacaabida Wasiirada taasoo uu sheegay in dood dheer kadib ay aqbaleen xildhibaanada baarlamaanka ee fadhiga soo xaadiray.
Madaxweynaha Galmudg C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay muddo kordhintan, waxaana uu xusay in wali ay socoto dib u heshiisiinta, isagoo tilmaamay in ahmiyad gaar ah ay siinayaan Culumaa’udiinka Ahlusuna, sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Maamulka Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in durbaba ay soo baxday cabasho beelaha ka muujinayaan habka loo qeybsanayo xilalka ugu culus, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu ka ordayo in Wasiiradda uu soo magacaabayo in laga hor-yimaado.
Lama oga xilliga dhabta ah ee uu soo magacaabi doono, waxaana aad looga dhowrayaa in Wasiirada uu soo magacaabi doono sida ay noqon doonaan iyo cida ka dhex muuqan doonta.
Idale News Online, Cadaado