Garowe(INO):Madaxweynaha Dowladda koonfur balbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa hada gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe ,waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey masuuliyiinta ugu saraysa Puntland uu horkacayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali gaas .
Madaxweyne Shariif ayaa gacan qaaday masuuliyiintii iyo shacabkii kusugnaa garoonka ee ka qayb qaadatay soo dhaweyntiisa .
Garoonka ayaa waxaa sidoo kale kusugna qaar kamid ah ciidamda qalabka sida ee Puntland kuwaas oo salaan uu qaaatay Shariif Xasan .
Madaxtooyada Garowe ayaa la filyaa inuu kulan kula qaato madaxweyne gaas ay warbaahintu banaanka ka joogto iyagoo markuu kulan koodu soo dhamaato war fidiyeenka si wada jir ah ula hadli doona
Magaalad Garowe ee Caasumada Puntland ayaa waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha Soomaalia waxaana horay Garowe ugu sugnaa madaxweyanaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, waxaana Shariif Xasan ka horeeyay oo maanta Garowe yimi Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Madoobe
Idale News Online, Garowe