Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa sheegayaan in wefdi balaaran uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aadn uu Gaarey magaaladaasi , iyadoona Si weyn looga soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Ku sugnaa Beryahan Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose isagoona halkaasi ugu qiib galey Shir lagu heshiisinayey Labo beelood oo ku dagaalamey gobolka Shabellaha isla markaana lagu guuleystey damin colaadaasi.
Wararka waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladda Baydhabo aad loo adkeeyay Maanta ayadoona lagu arkayay wadooyinka Magaalada Baydhabo shacab fara badan oo ka qeeb qaadanaya soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Ugu Dambeyntii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh ayaa ka warbaxiyay safara kala duwan u beryahaan ku marayay Banaadir iyo Shabellaha hoose iyo weliba dalka Kenya ka mid tahay iyo sido kale shirkii ka socday degmada afgooye oo uu sheegay Madaxweynaha in guul u ku soo Idlaadey.