Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya, ee ka kooban seddexda gobal Mudane Maxamed Xaaji Maadeer ayaa ka hadlay xaaladaha gobalka Shabeellaha Hoose.Waxa uu sheegay Madaxweyne Mudane Maadeer in Gobalka ay wadaan qorsheyaal cusub oo ay ku doonayaan in ay ku dhameystiraan maamulka si loogu ballaariyo gobalada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Wuxuu tilmaamay in maamul taabacsan iyaga uu ka dhisan yahay magaalada Marko iyo qeybo kale oo kamid ah gobalka.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa dafiray in magaalada Marko ay ku sugan yihiin masuuliyiin iyo ciidamo taabacsan maamulka sheegta Shabelle State, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ciidamo deegaanka ah ay u diyaarinayaan sugidda ammaanka magaalada Marko.
Dhinaca kale, waxaa magaalada Marko iyo deegaano kale weli laga dareemayaa xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya beelo Soomaaliyeed oo ku wada nool gobalkaasi.
Idale News Online, Baydhabo Janaay,