Madaxweynaha Dowlad Gobleedka KGSoomaaliya: ” Gobolka shabellaha Hoose cid aan kula Gorgortameyno majirto”.

0
183

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee gobalka Shabeellaha Hoose oo ay weli ka soconayaan dagaallo ku saleysan dhulbalaarsi.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in gobalka Shabeellaha Hoose uu ka midyahay gobolada sadaxda ah ee koonfur galbeed isla markaana ay ku sugan yihiin masuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gobalka Shabeellaha Hoose waaxaa uu kamid yahay gobolada sadaxda ah ee uu ka kooban yahay maamulka kumeelgaarka ah ee koonfurgalbeed somaliya, sida ku cad heshiiskii ay goobjooga ka ahaayeen madaxda dowladda iyo beesha Caalamka” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xaaji C/nuur.

Madaxweynaha maamulka KGS  ayaa cadeeyay in gobolka sh.hoose uusan geli Karin gorgortan isagoo meesha ka saaray inay san jirin maamul la yiraahdo shabelle state oo ay aqoonsan yihiin isagoo dhanka kale cadeeyay inay diyaar u yihiin cid kasta oo wax ka tabaneysa maamulkiisa.

Madeer oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “Waan ku celinayaa maamulkayga wuxuu diyaar u yahay inuu la hadlo cid kasta laakiin gobalkani Shabeellaha Hoose waxa uu kamid yahay seddexda gobal ee aan madaxweynaha ka ahay, wada hadal isaga kuma jiro” .

Ku dhawaad laba sano gobolka sh.hoose waxaa  ka socdo dagaal dhulbalaarsi oo ay wadaan kooxda axmed diiriye iyo xaad, waxaa ay marwalba iska cabin iyo dagaal qaraar ay kala kulmaayeen ciidamada dadka deegaanka ee xaq udirirka ah.

Majiro wax dadaalo ah oo ay wado dowlada soomaaliya si loo joojiyo dagaalada dhulbalaarsiga ku saleysan oo ay wadaan kooxda axmed diiriye iyo xaad.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan sh.hoose  ayaa indhaha ku haayo maamulka KGS  sida uu u wajaho xaalada gobolka sh.hoose  iyo go’aanka ay qaadan lahaayeen  kooxda axmed diiriye iyo xaad.

Madeer

Idale News Online, Baydhabo Janaay.