Jabuuti(INO) – Isu soo baxyo ballaaran ayaa waxaa qabtay taageerayaasha madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele asagoo madaxweynehaasi uu doonayo in mar kale lasoo doorto doorashada la filaayo inay dalkaasi ka qabsoonto bisha Abriil ee fooda inagu soo heysa.
Kumanaan kun oo taageereyaashiisa ah oo xiran funaanado midab cagaaran ayaa isugu soo baxay magaalada Carte oo 30km oo qura u jirta Djibouti. “Geele waa murashaxa qura ee u qalma kalsoonideena buuxda” ayaa ka mid ahaa halkudhagyo boorar ay siteen taageereyaashaasi ku qornaa.
Waxaa iyana isu soo baxay taageereyaasha ilaa lix murashax oo kale oo kulligood doonaya in Mr Geele ay xilka madaxweynenimada kula tartamaan. Markaan hadii lasoo doorto ayaa Geele waxay u tahay teeramkiisii afaraad ee uu sii heynayo xilka madaxweynenimada dalkaas.
Kooxaha u dooda xaquuqul insaanka ayaa in badan kucelceliyay inuu Geele cabburiyo saxaafada iyo mucaaradka dalkaa. Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa dalka katagay oo musaafuris dibada u jooga iminka.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa kala wareegay xilkaasi madaxweynenimo abtigii, al marxuum Xassan Guuleed Abtidoon 1999. Waxaa Ismaaciil Cumar Geele dib loo soo doortay sanadihii 2005 iyo 2011; si kastaba, waxaa natiijooyinka doorashooyinkaa diiday cabashooyin xooggana ka muujiyay mucaaradka oo sheegay in waxyaabo la isdaba mariyay.
Idale News Online,Jabuuti