Madaxweynaha Dalka Turkey-ga Oo Soo Gaaray Muqdisho

0
366

Muqdisho (INO)-Raccep Tayyep Erdogan ayaa ka soo dagay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo uum ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed , labada gole ee dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Erdogan ayaa arrimo kala duwan u yimid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sida in uu xariga ka jaro Safaaradda dowladdiisa ay ka hir gelisay Magaalada Muqdisho.

Arrimo la xiriira siyaasadda oo uu kala hadlayo Masuuliyiinta Soomaalida iyo warar sheegaya in uu ka hadli doono Guryihii horay Turkey u ballan qaaday.

Idale News Online, Muqdisho