Madaxweynaha Dalka Rushka Mr Putin oo oo kusoo biiray loolanka Geeska Afrika

0
237

Russia waxa ay ku biirtay liiska dalalka ay ka go’an tahay in ay cagta la helaan qeyb ka mid ah Badda Cas. Kulan ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha Eritrea Jimcihii (31kii Agoosto). Wasiirka arrimaha dibedda Sergey Lavrov waxa uu ku dhawaaqay qorshe ay dekedda dalkaas ku yaal Bariga Africa uga sameysanayaan “Xarun Saad”.

Moscow ma caddeyn meesha mana cayyimin waqtiga mashruuca laakiin waxa ay sheegeen in ay ujeedku yahay sare u qaadidda xiriirka ganacsi iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaale ee labada dal.

Ku dhawaaqista arrintan waxa ay ka dhigan tahay dadaalada ay Russia ugu jirto cusbooneyisiinta xiriirka ay la leedahay dowladaha Africa iyo sare u qaadidda dhaqankeeda, siyaasadeeda iyo saameynteeda dhaqaale. Russia waxa ay qaadeysaa tallaabadan xilli Mareykanka uu hoggaamiyo Trump ay dib u gurasho wadaan halka ay China  ku sii xidideysaneyso.

Bishii Maarso, Lavrov waxa uu booqasho toddobaad ah ku gaaray Africa isaga oo tagay Angola, Namibia, Mozambique, Ethiopia iyo Zimbabwe.

Intii uu booqashada ku guda jiray, waxa uu saxiixay heshiisyo lagu dhisayo aag dhaqaale, raadinta fursado lagu qiimeynayo macdanta oo ay ku jiraan Dhaymanka iyo Platinum-ka si sare loogu qaado iskaashiga farsamada militariga.

Dalka Jamhuuridda Bartamaha Africa, Kremlin waxaay siin dootaa hub iyo talo dhinaca ammaanka dowladda dagaaladu hareeyeen.

Sadex saxafi oo Russian ah,  kuwaas oo doonayey in ay wax ka ogaadaan xiriirkan ayaa lagu dilay dhawaan meel 180km uga began caasimadda dalkaas ee Bangui.

Russia sidoo kale waxa ay tartan Gabay ah ku qaban doontaa dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Africa iyada oo kuwa ku guuleysta ay dalxiis u aadi doonaan xero ku taalla gobolka Crimea ee ay Russia soo goosatay.