Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Muqdisho Imaanaya Maalinta Sabtida

0
225

Muqdisho (INO)– Warar Hoose oo  Shabakada Warbaahinta Idale News Online ka heshay Xafiiska RW Cumar C/rashiid ayaa sheegaya in Todobaadka soo socda billowgiisa uu Muqdisho imaan doono Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Teaser Image Ismaaciil Cumar Geelle oo Muqdisho imaanaya Sabtida - XOG

Wararku ayaa waxay sheegayaan in Beri ah, Maalinta Sabtida ah uu Madaxweyne Geelle kasoo degi doono Garoonka Adan Cadde International ee Muqdisho, waxaana uu la kulmi doonaa dhigiisa dalka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ujeedka Booqashada Geelle ee Soomaaliya wali si rasmi ah looma oga, balse waxaan helaynaa Xog ku saabsan inuu kala hadlo Madaxda Dowladda Federaalka arrimo badan oo ugu horeeyo Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab, xilli 1,000 Askari oo Cusub dalkiisa usoo diray Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka sida ee dalka Jabuuti Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa Safarka Madaxweyne Geelle ugu hormaray Soomaaliya, isagoo ay la socdaan Ciidan gaar ah oo sugi doono Amaanka Madaxweynahooda.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa billaabay baaritaanno ay ku samaynayaan Wadooyinka kasoo baxa Garoonka Aadan cadde, ee aada dhanka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in Maalinta Sabtida ah la xiro Wadooyinka oo dhan ee Muqdisho.

Idale News Online , Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here