Madaxweynaha cusub oo Safarkiisa ugu horeeya Uganda u tagi doona

0
214

Sida aan ku heleyno warar lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu jimcaha soo aadan u duulo dalka Uganda safarkaasi wuxuu noqon doonaa kan ugu horeeya ee uu dibada ku aadi doono.

Madaxweynaha ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa Wadanka Uganda, Yuveri Museveni, waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimaha u badan horumarinta amniga iyo ciidamada midowga Africa.

Safarka Madaxweyne Xasan oo la sheegey inuu qaadan doono 2 maalmood ayaa waxaa uu uga sii gudbi doonaa Magaalada Nairobi halkaas oo uga sii gudbi doonto Shirka Sanad laha ah ee lagu wado inuu ka bilowdo bishaan 24deeda. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa la qorsheynayaa  inuu u jeediyo golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey bishaan aan ku jirno 26keeda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com