Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo soo saaray amar lagu joojinaayo in lacag laga baxiyo bankiga dhexe

0
179

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa soo saaray amar uu ku joojinaayo inaan wax lacag ah laga bixin karin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ilaa amar danbe.

Wasaarada maaliyada iyo madaxda Bankiga Dhexe ayaa amarkaan si toos ah ugu socdaa, waxaana uu dhaqan gelayaa amarkaan maanta oo 12 Febraayo bishu tahay.

Amarkaan cusub ee madaxweynaha ku xayiray kharasaadka bankiga dhexe ka baxa ayaa looga gol leeyahay in aysan dhicin masuqmaasuq xiliga kala guurka ah ee madaxda dowladda xilalka wareejinayaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa horay amarkaan mid la mid ah usoo saaray ka hor inta aan la guda gelin ololihii doorashada madaxweyne.