Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaweyd ku soo noqday dalka kaddib howlo shaqo oo uu u tagay dalka Ugandha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu weeraray maanta dad shacab ah oo aan waxba galsan.
“Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhibaatoobay weerarkaasi oo aan ka xunahay waxaana Alle aan uga baryeynaa in naxariis uu siiyo kuwa ku dhaawacmayna waxaan u rajeyneynaa in ay bogsadaan oo uu ilaah caafiyo, waxaana ay na tuseysaa falkaasi iyo kuwii ka horeeyay cadaawada kooxda caadeysatay leynta iyo dabargoynta Umadda Soomaaliyeed ay noo qabaan, waana in aan la wada dagaalanaa” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, qaar ka mid ah golaha wasiirada, mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxa uu ka warbixiyay safarka shaqo uu ku Tagay Ugandha, isagoo sheegay in halkaasi uu kula soo kulmay dhigiisa dalkaasi Yoweri Kaguta Museveni islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal iyo dar dargelinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.
Idale News Online.