Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ga’aankii dhowaan maamulka Puntland uu ka qaatay xiriirkii uu la lahaa dowlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan jirin sabab keeni karta inay puntland qaadato go’aan intaasi la eg, waxa uuna ilmaamay in Puntland ay kamid tahay Somalia islamarkaana ay ku degdegtay Go’aankaasi.
Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay horay Puntland ula gashay heshiisyo badan haatana diyaar ay u tahay in la xaliyo wixii qaldan.
‘’Dowladda waxa ay ku jirtaa dadaalo badan oo ay kula kulmeyso gabi ahaan Maamulada dalka, Puntland iyadana qeyb aye ka tahay waxaana lagama maarmaan ah in laga qanciyo wax waliba ay tabaneyso’’.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Maamulada dalka looga baahan yahay inay la shaqeeyan ukuumadda si looga talaabo waxa loogu yeeray gooni isu taag iyo olaado hor leh.
Idale News Muqdisho