War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu faah faahiyay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe..
War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sidda gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo ahaa mid Al-shabaab u isticmaali jireen tababarada.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey taliskii Shabaab iyo weliba isku xidhkii sahayda.
‘’Tani waxaa ay si weyn u dhaawacaysaa awooddii ururka Al-Shabaab u yeelan lahaa in ay weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta amnigu ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa, isla markaana weerarkani uu kor u qaadayo ammaanka, hoosna u dhigayo weeraradii ururka Al-Shabaab.