Madaxtooyada Soomaaliya In Xilka Laga Qaadey Saraakiisha Ugu Sareyso Taliska Ciidanka Militaarka.

0
202

Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay beenisay in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) iyo Abaan Duulaha General C/risaaq Khilaaf Cilmi.

Warbaahinta qaar ee Somalida, ayaa shalay tabineysay in xil ka qaadis lagu sameeyay xubnahaan, laguna soo kala bedelay General C/laahi Cali Caanood iyo General C/laahi Cismaan Cagey.

Shadoor Xaaji Shadoor, Xoghayaha Saxaafada ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa wuxuu war been abuur ah uu ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu xilalkii ka xayuubiyay xubnahaasi.

“Waxaa jira warar been abuur ah oo ay tabisay Saxaafada qaar, waxaan cadeynayaa inaysan jirin xil ka qaadis lagu sameyay Taliyaha iyo Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka.” ayuu yiri Shadoor.

“Warbaahinta uma fiicna inay bulshada u tabiso been ama war aysan hubin.” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Saxaafada ee Madaxtooyada Somaliya.

presidentXasanVillaBaidoa
Idale News Online, Muqdisho.